love

songs

in motion

Laxaw

Vocals by Lafoole, lyrics by Xasan Daahir Ismaacil ‘Weedhsame’

Translation by Mohammed Ahmed and Christina Woolner

I’m nauseous and
Love shakes me
But [little did I know] there’s no love in your heart

Or on your mind
This painful infliction, like an arrow
Like a small sword
It hurts me alone
From your end, no gentle breeze
Or whirling wind moves your feelings
It weakens only me and
Disturbs my sleep
But you are happy
And enjoy,
The kind heart
That loves you
You don’t appreciate
And you neglect, then do not look for it
I wasted my time and
Loves irritates me
But my pain is
your surprise,
to the relationship/love
I am honest
And keen to you,
But for my broken heart
You feel won,
I fell in love
And feel the attachment alone,
But love’s compassion
girl, you don’t feel it,
The kind heart that
Loves you
You don’t appreciate it
Don’t bother looking for it

Annuu baa lallabayoo
Cashaqu i lulayee,
Shaw jacaylka laabtiyo
Lubbigaba kumaad hayn,
Kalgacaylkan leebkiyo
Ila laacay hootaduu
Annu buu i loodshee,
Shaw dhankaaga leydhiyo
Leexaba kumuu kicin,
Annu baa la liitoo
Ladi waayay jiifkee
Show adigu ladnaan baad
Raaxada ku lulataa,
Qalbigii laxiibkii
Ee kuga lamaanaa
Maad lexe- jecleyninee
Lumisaye ha raacdeeyn,
Annu baa lu’gayoo
Cashaqu I lurayee
Show adi layaab buu
Laxawgaygu kula yahay,
Annu baaba lahashada
U ahaa lilaahiyee
Ama kuuba lumayee
Show luqun jabkaygaba
Libin baad ka dhigataa,
Annu baa ladaabtoo
Kalgacaylka laacee
Show adigu liskiisii
Inanyahay ma baad liqin,
Qalbigii laxiibkii
Ee kuga lamaanaa
Maad lexe- jecleyninee
Lumisaye ha raacdeeyn.